måndag 14 december 2015

Lussekatter/ keega lusekaater



Lussekatter 

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\NW73A2RC\f45e7e395ce5a97e77b757b4e8e73759e877285c_607x400[1].jpg

Ingredienser
  • 2 paket saffran males med en sockerbit.
  • 250 g smör som smältes i en kastrull.
  • 5 dl mjölk som värmes i mjölk.
  • 1 paket jäst 50 g som sönderdelas i mjölken.
  • 2 dl socker.



  • Allt blandas i en bunke.
  • Häll ca 1.5 - 1.8 liter vetemjöl i bunken och knåda i ca 10 minuter
  • Låt degen jäsa på värm plats i bunken i 40 minuter.



  • Gör lussekatter och lägg på plåten. Låt det jäsa en gång till i ca 30 minuter. 
  • Pensla Lussekatterna med ett uppvispad ägg. 
  • Sätt russin i Lussekatterna.
  • Sätt in plåten i ugnen i 5- 10 minuter.
//lycka till!




keega lussekatter
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\NW73A2RC\f45e7e395ce5a97e77b757b4e8e73759e877285c_607x400[1].jpg

Waxa uu ka koobanyahay
  • 2 baakadood oo sacfaraan ah.
  • 250 g oo subag ah oo aad ku dhalaalisay disdi.
  • 5 dl oo caano ah.
  • 1 baakad oo fixiso/qamiir ah 50 g taasoo aad ku dhex jajabinaysid caanaha.
  • 2 dl oo sonkor ah.
  • Intaba ku shub fijaan/baaquli weyn.
  • Ku shub 1.5-1.8 liter oo daqiiq/bur ah, fijaanka/baaquliga oo u cajiin si fiican illaa iyo 10 daqiiqadood.
  • ku khamiiri cajiinka meel kulul ilaa 40 daqiiqadood.
  • U googoo sida lussekaaterka oo dul dhig birta wax lagu dubo. Khamiiri 30 daqiiqadood oo kale.
  • Hal xabo oo ukun ah qas oo dusha ka mari.
  • Sabiibkiina saar lussekaaterka.
  • Gali birta foornada oo ku daa 5 - 10 daqiiqadood.
  • Ka saar marka uu casaado/guduuto.
//sidaas iyo nasiib wanaagsan!



torsdag 3 december 2015

Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta soomaalida.......

Sidii aan horayba usoo qoray waxaa barri oo jimce ah, bishuna ay tahay 4 diisambar ka bilaabmaya magaalada Stockholm ee carriga Sweden gaar ahaan degmada Kista, laba maalmood oo loogu magac daray "Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed". Maalinta hore ee jimcaha ah waxa ay casharadu ku baxayaan af iswidhish ilaa iyo afarta galabnimo. lixda ilaa iyo sagaalka fiidnimana18:00-21:00 waa af soomaali. 
Maalinta labaad laga bilaabo sagaalka subaxnimo ilaa iyo siddeeda fiidnimo 09:00 - 20:00 waa af soomaali.
Casumadda , ajendaha iyo barnaamijyada oo dhana waan idiinku soo lifaaqay. Gacmo furan ku soo dhawaada. 


2015-12-01
Casuumad
Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida
4-5 Dec (Jimce iyo Sabti)
Waxa lagu casuumayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Sweden ee Stockholm iyo agagaarkeeda laba maalmood oo suugaan, buugaag, qalab-hidde  ah iyo aqoon-is-waydaarsi la soo bandhigi doono.
18.00- 20.30 Jimcaha  04 dec
       Iyo 10.00-20.00 Sabtida 05 dec”

Waxa inoo marti ah qorayaal, suugaanyahanno, aqoonyahannno iyo cilmi-baadheyaal. Waxa la soo bandhigi doonaa:
  • Taariikh
  • Agabkii hiddaha iyo dhaqanka
  • Boqollaal buug
  • Kooraasyo gaagaaban oo ku saabsan, Afsoomaaliga, tarbiyadda carruurta iyo barnaamijyada kombiyuutarka ee wax lagu qoro
  • Waxa jiri doona maaweelo carruureed oo ah 10.00-13.00 maalinta sabtida

Waxa iman doonaa:
  • Qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo qoray Guri waa Haween, Cabdalla Shafay oo ah ninka afsoomaali ka filimada qisooyinka Nebiyada iyo aqoonyahanno kale.
  • Shirkadaha Scansom publishers iyo Iftiinka aqoonta waxay soo bandhigi doonaan buugaagta ay hayaan oo boqollaal kor u dhaafaysa

  • Goobtu waa: Kista Träff
  • Saacadda Jimcaha 04 dec waa 18.00-20.30

Ka soo qaybgal wanaagsan!

  • Haddaba wixii warbixin ah kala xidhiidh xubnahan soo socda:
  • Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) : 0762490979

onsdag 25 november 2015

Maalmaha soomaalida!

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\2BZPQZLU\Reportage-300x196[1].png
Dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku nool Iswidhan waxaa lagu macsuumaya laba maalmood oo cilmi koradhsi ah.
Kista folkhögskola iyo hay'ado kale  oo ay wada shaqeeyaanba waxa ay qabanqaabinayaan laba maalmood oo cilmi korodhsi ah oo ku saabsan soomaalida, dhaqankooda, suugaantooda iyo bandhig buuggaag. 
Kulan kani waxa uu ka dhici doonaa Kistaträf oo ku taala xaafadda Kista ee magaaladda Stockholm, waana bilaash in laga qayb qaataa. Kulan kani waxa uu dhacayaa 4-5 diisambar 2015. Maalinta hore oo jimce ah 09:00 -16:00 waxaa lagu hadlayaa af iswidish. 16:30 -20:30 waa af soomaali. Maalinta dambe waa af soomaali kaliya.
Haddii aad rabtid inaad ka qayb qaadatid isa soo diiwaan gali. Waxaanan halkan kuugu soo lifaaqayaa cassuumaddii.

måndag 16 november 2015

Waalidka togan!


ASC.
Waxaan halkan iddinku soo gudbinayaa muxaadaro uu jeedinayo ilaahay haka jisaa'i siiyee  sh. Cabdiraxmaan Bashhir. Muxaadardani waxa ay ku saabsan tahay waalidka togan, taasi oo ay macnaheedu tahay waalidka xagga fiican ka fakara (positiv-ka) ah.



Sh. Cabdiraxmaan Bashiir



tisdag 10 november 2015

Ammaan!

Ma ammaantaa oo ma u duceysaa dadka aad jeceshay, waalidkaa xaaskaaga, ninkaaga, carruurtaada, saaxiibadaa, qofka kula shaqeeya iyo qofkii axsaan kuu gala......iwm.

Soomaali ahaan inaga ammaantu wey inagu yartahay iyo hadalka fiicaniba. Waa inaan bilawnaa oo aan wax ka badalnaa ammaan la'aanta iyo ammaan yaridaba.
Waxaan google weydiiyey inuu ku jiro ereyga ammaan,  ma ka helay baad u malaynaysaan? bal gal oo ila raadi. 
Ammana kale haddii aad haysidna ii soo dir, adigoo raaliya.


Bas 2-ga Järfälla ku yaalaa waxa aan toddobaadkii ina dhaafay aan bilawnay mawduuca ammaanta.Toddobaadka soo socdana isla mawduucas ayaan wadi doonaa. Ardeyda dhigata qaybtani waxa ay kakala yimaadeen waddamo kala duwan. Haddaba waxaanu shaki ku jirin in ardeydani ku kala hadlaan afaf kala duwan , ayna leeyihiin ama ay xambaarsanyihiin dhaqamo kala duawan iyo diimo kala duwan. Runtii waa mid aad loogu farxo oo aadna u qiimo badan in arday  wadamo badan oo kala duwan ka kala socdaa ay hal fasal wada fadhiyaan.
Si isku mid ah mala isku ammaanaa waddamada oo dhan? jawaabtu waa maya, laakiin waxaa soo baxday oo aan ogaanay in waddamada qaarkood si iyo xaallad isku mid ah la isku ammaano. Tusaale ahaan waddamada ku yaala Afrika dadku si isku mida ayay isku amaanaan. Kuwa ka yimid waddamada carbtuna iyaguna sidoo kale ayay si isku mida iyo xaallado isku mida ama isku dhaw iskugu amaanaan.

Waa kuwan ammaanaha aan ka shaqaynaa:
  1. waan jecelahay sidaad timaha aad jarantahay!
  2. dhoola cadayn fiican baad leedahay!
  3. kabahaagu way qurux badan yihiin!
  4. indha qurux badan baad leedhay!
  5. qof aad u wanaagsan baad tahay!
  6. kabahaaga waan jecelahay!
  7. waad qurux badan tahay!
  8. aad baad u furfuran tahay!
  9. qof la aamini karaad tahay!
  10. si fiican baad u eegtahay!
  11. wey wanaagsan tahay la joogidaadu! 
  12. xariif baad tahay!
  13. waad caqli badan tahay!
  14. waad i dhiiri galisaa!
  15. waan jecelahay markaad qoslaysid!
  16. qof wanaagsan baad tahay!
  17. waxaad tahay qof maad leh!
  18. saaxiib wanaagsan baad tahay!
  19. qof naxariis leh baad tahay!
  20. waxa aad samaysaysid waad ku fiican tahay!
  21. qof fiican/sharaf leh baad tahay!

fredag 6 november 2015

Cilmigii la caasiyay!

Cilmigu waa nuur!
Jahliguna waa mugdi!

Adduunyadan aan ku noolnahay, waxa ay horumarkan maanta la joogo, iyo kan la hiigsanayaba ay ku gaadhay cilmiga. Cilmiguna sidiisaba wuxuu ku yimaadaa ama lagu helaa laba hab: 
1- Mid horay loo helay oo aad ka baratid iyo 
2- Mid hadda gacanta lagu hayo oo la baarayo/ ikhtiraacayo.

Diinteenu aad iyo aad ayay uga hadashshay cilmiga. Ilaahay (sw) ayaa quraanka kariimka ah ku sheegay oo yidhi: miyay siman yihiin kuwa waxbartay iyo kuwa aan waxbaranin. 
Rasuulkeenii suubanaa (scw) waa tii uu  ilhaay ku yidhi: akhri magaca alle... (suuradda iqra).

Inaku (soomaalida) dhinacee baan ku jirnaa? ma kuwa cilmiga barta, mise kuwa raadiya, mise kuwa xaqira ee hoos u dhiga dadka cilmiga leh? 

Tiiyooy arrini sidaas ay tahay, oo muddo dheer aan rabay in aan wax ka qoro, sida ay dadka soomaalidu ula dhaqmaan dadka soomaalida ee cilmiga leh, gaar ahaan farsama yaqaanada sida: farsama yaqaanada birta tuma ee inoo sameeya midiyaha, faaska, gudinta, haamaha iwm. 
Kuwa kabaha, boorsooyinka, gambadhada iwm sameeya.
Rayiislaha/ tima jaraha, beeraleyda, kalluumeysatada iyo kuwa kale oo fara badanba.
Shaqooyin kani waa kuwa ugu liita xaggeena. Dadka ka shaqeeyaana aanay nolol fiicana ku  haysanin.
Balse adduunyada kale waa xirfadaha ugu qaalisan ee aan la heli karin, dadka ka shaqeeyaana ay nolol aad u heer saraysa ku nool yihiin. Tusaale: Jarmalka oo ah waddamada ugu horeeya xagga birta oo baabuurta iyo diyaaradaha sameeya kaasi waa birtume. Keena birta tumaana xataa meel fiican ma fadhiyo, waa yaab!
Talyaaniga beeraha iyo maqaar tolista, boorsooyinka iyo kabaha aad jeceshahay ayay sameeyaan. Ka walaalkaa ah ee gurigaaga hortiisa  kuugu samaynayana waad ku caayaysaa.Subxaana laah
Magacyo kala duwan oo xaqiraad/ takooris iyo hoos u dhigis ah ayaa dadkan soomaaliyeed ee sharafta leh loo kala yaqaanaa, halkan  inaan ku sheegna runtii aad iyo aad ayaan ugala xishooday.
Qadarin iyo ixtiraam ayay agtayda ka mudan yihiin.    

Waxaan haddaba akhristoow aan maalin dhawayd daawaday fiidyaw youtobe-ka ku jira oo dad cilmi leh oo soomaali ahi ay ka hadlayeen. Runtii arrimaha qaarkood aad bay ii damqeen sida dadkaas loola dhaqmi jiray. Bal ila fiiri oo maxay kula tahay. Waxa uu ku baxayaa af-ingiriisi. Inuu isagoo af soomaali ahna inuu jiraa  aad ayay u fiicnaan lahayd.




fredag 16 oktober 2015

Bariiska waxaa ku jira....

Bariiska iyo isticmaalkiisa.

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\GHEMJRQ2\JOLLOF_RICE[1].jpg
Waxaa dhawaan culumadda ku hawlan cilmi baadhista gaar ahaan kuwa bariiska, ayaa soo saaray in bariiska haddii la badsado uu keeno karo cudurka loo yaqaan kansarka (cancer).
Bariiska waxaa ku jira curiye bir u eeke ah oo loo yaqaanno arseniik As. Curiyahaasi wuxuu keeni karaa xannunka loo yaqaano kansarka, waxa kale oo ay saamayn kuleedahay unugyada jidhka, difaaca jidhka, sanbabada, kalyaha iyo beerka.  
Arseniik As (afka laatiinkana loo yaqaan arsenicum) waa curiye laga helo dabeecadda oo aad iyo aad sun u ah. Curiyahani haddaba meelaha uu ku jiro waxaa kamida bariiska oo ay dadkeenu aad u isticmaalaan iyo meelo kale oo badan addunyada ka mid ah. 

Culumadda cilmibaadhistu kuma tallinayaan, innaan joojino gabi ahaan tiisaba isticmaalka bariiska, ee waxa ay leeyihiin yareeya. Gaar ahaan caanaha bariiska ee la cabo.


C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\POZXPLND\Mamra_Ladoo__52169.1313185209.1280.1280[1].jpg
Waxaa jira sida aad wada ogsiintihiinba cuntooyin iyo cabitaano badan oo laga sameeyo bariiska sida konfilagaska bariiska (risflingor) (rice crispies),rootiga qalalan ee bariiska laga sameeyo (riskakor) iyo caanaha bariiska.


Carruurta, dumarka iyo ragga.

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\GHEMJRQ2\hqdefault[1].jpg
Carruurta iyo dumarka ayaa u nugul in arsiniik ay wax yeeleyso haddii ay badsadaan, sababta oo ah qofba qofka uu ka fududyahay ama ka culays yaryahay ayay maadadani jidhkiisa/jidhkeeda ku badan kartaa.

Haddii aad afka iswidhishka taqaanid jadwalkan eeg/fiiri inta mikrogaraam arseniik ee qofka jidhkiisa gali karta marka uu cuno cuntooyinka ka kooban bariis.

FAKTA: SÅ MYCKET ARSENIK FÅR DU I DIG

2-åring, 13 kg:
Rekommenterat riktvärde: Max 3,9 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 5,46 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 13,52 mikrogram per dag (barnportioner av ris)
3-åring, 15 kg:
Rekommenderat riktvärde: Max 4,5 mikrogram per dag
”Vanlig vecka” 5,46 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 13,52 mikrogram per dag (barnportioner av ris)
9-åring, 30 kg:

Rekommenderat riktvärde: Max 9 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 6,97 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 22,01 mikrogram per dag (vuxenportioner av ris)
Kvinna, 65 kg:

Rekommenderat riktvärde: Max 19,5 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 6,97 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 22,01 mikrogram per dag (vuxenportioner av ris)
Man, 85 kg:
Rekommenderat riktvärde: 25,5 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 6,97 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 22,01 mikrogram per dag (vuxenportioner av ris)
Det rekommenderade riktvärdet kommer från EU:s organ för livsmedelssäkerhet.
Källa: SVT

torsdag 15 oktober 2015

Qosolka adduunka............

Qoys Qurbe Jooga Iyo Qosolkii ......







Mar ay xalay ay amin tilmaantadu ay tilmaamaysay abaarihii 11:20 habeennimo  ayaan helay fiidyawgan anigoo hurdo u diyaargaraoobay, waxaan is idhi bal waxa ay ku saabsantahay eeg si aad bari haddii uu ilaahay yidhaahdo aad u daawatid. Laakiin maxaa dhacay? waxaa dhacay in ay hurdadii iga duushay qosol daraadeed. Markii ay dhamaatayna waxaan ku ceshaday markale, saakana markale ayaan daawaday... intii aan xalay qoslay inteedii ayaan saakana aan qoslayay. Waxaan go'aan ku gaadhay inaan raadiyo halabuurka  maansooyinkiisii kale.
Haddaba halkan ka daawo sheekadii dhexmartay qoys qurbe jooga. Aabe Geeddi, hooyo Gaasira iyo wiilkoodiii Guuleed oo uu halabuurkani ku cabirayo gabay jacbur ah.
Marka laba shay iyo wax kabadan laysku daro ayaa la yidhaahdaa fadareeshan ama jacbur sidaasi darteed ayaa af- soomaali fadareeyshan ah loo leeyahay jacburkan uu tirinayo halabuur Aadan Muuse Haybe. sidaas iyo daawasho wacan.




torsdag 8 oktober 2015

Ha la iscafiyo waxaa lagu jiraa saban culays weyne......

Ha la iscafiyo waxaa lagu jiraa saban culays weynu waa gabay uu alifay qoraa, mu'alif , macallin Yuusuf X. Cabdullahi Xassan.....In lays cafiyana diinteena ayaa ina farysa.



Riix halkan....


onsdag 7 oktober 2015

Xassuusta alleh!

Waxa aan dacwadan ka helay wiil aan adeer u ahay. Markaan akhristayna waxaan jeclaystay inaan idnla qaybsado. Adiguna sii fidi ilaahay ha kaa jisaa'i siiyee.

  • Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?
  • Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?
  • Ma u diyaargarawday la kulanka Alleh?
  • Ma damacsantahay janatul fardawsa al'aclaa?
  • Ma ka baqaysaa galista naarta jaxiima?
  • Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska alleh?
  • Ma ku salidaa nabiga scw.?
  • Quudkaaga xaaraanta ma ka ilaalisaa?
  • Hugaagu dhar islam ma yahay?
  • Dariskaaga xaquuqdooda ma ilaalisaa?
  • Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?
  • Ma ka fakartaa nolosha ehel iyo ubadba?
  • Ma ka mid tahay xisbiga alle?
  • Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?
  • Ma ka warhaysaa muslimiinta xaalkooda?
  • Ma u ducaysaa walaalhaaga kaa maqan?
  • Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwadda?
  • Ma ka tawbad keentaa dunuubtaada?
  • Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?
  • Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal ma yahay?
  • Adduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?
  • Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada? 
Qore: miskiin alleh u baahan.
Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn janada alleh.....