onsdag 25 november 2015

Maalmaha soomaalida!

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\2BZPQZLU\Reportage-300x196[1].png
Dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku nool Iswidhan waxaa lagu macsuumaya laba maalmood oo cilmi koradhsi ah.
Kista folkhögskola iyo hay'ado kale  oo ay wada shaqeeyaanba waxa ay qabanqaabinayaan laba maalmood oo cilmi korodhsi ah oo ku saabsan soomaalida, dhaqankooda, suugaantooda iyo bandhig buuggaag. 
Kulan kani waxa uu ka dhici doonaa Kistaträf oo ku taala xaafadda Kista ee magaaladda Stockholm, waana bilaash in laga qayb qaataa. Kulan kani waxa uu dhacayaa 4-5 diisambar 2015. Maalinta hore oo jimce ah 09:00 -16:00 waxaa lagu hadlayaa af iswidish. 16:30 -20:30 waa af soomaali. Maalinta dambe waa af soomaali kaliya.
Haddii aad rabtid inaad ka qayb qaadatid isa soo diiwaan gali. Waxaanan halkan kuugu soo lifaaqayaa cassuumaddii.

måndag 16 november 2015

Waalidka togan!


ASC.
Waxaan halkan iddinku soo gudbinayaa muxaadaro uu jeedinayo ilaahay haka jisaa'i siiyee  sh. Cabdiraxmaan Bashhir. Muxaadardani waxa ay ku saabsan tahay waalidka togan, taasi oo ay macnaheedu tahay waalidka xagga fiican ka fakara (positiv-ka) ah.



Sh. Cabdiraxmaan Bashiir



tisdag 10 november 2015

Ammaan!

Ma ammaantaa oo ma u duceysaa dadka aad jeceshay, waalidkaa xaaskaaga, ninkaaga, carruurtaada, saaxiibadaa, qofka kula shaqeeya iyo qofkii axsaan kuu gala......iwm.

Soomaali ahaan inaga ammaantu wey inagu yartahay iyo hadalka fiicaniba. Waa inaan bilawnaa oo aan wax ka badalnaa ammaan la'aanta iyo ammaan yaridaba.
Waxaan google weydiiyey inuu ku jiro ereyga ammaan,  ma ka helay baad u malaynaysaan? bal gal oo ila raadi. 
Ammana kale haddii aad haysidna ii soo dir, adigoo raaliya.


Bas 2-ga Järfälla ku yaalaa waxa aan toddobaadkii ina dhaafay aan bilawnay mawduuca ammaanta.Toddobaadka soo socdana isla mawduucas ayaan wadi doonaa. Ardeyda dhigata qaybtani waxa ay kakala yimaadeen waddamo kala duwan. Haddaba waxaanu shaki ku jirin in ardeydani ku kala hadlaan afaf kala duwan , ayna leeyihiin ama ay xambaarsanyihiin dhaqamo kala duawan iyo diimo kala duwan. Runtii waa mid aad loogu farxo oo aadna u qiimo badan in arday  wadamo badan oo kala duwan ka kala socdaa ay hal fasal wada fadhiyaan.
Si isku mid ah mala isku ammaanaa waddamada oo dhan? jawaabtu waa maya, laakiin waxaa soo baxday oo aan ogaanay in waddamada qaarkood si iyo xaallad isku mid ah la isku ammaano. Tusaale ahaan waddamada ku yaala Afrika dadku si isku mida ayay isku amaanaan. Kuwa ka yimid waddamada carbtuna iyaguna sidoo kale ayay si isku mida iyo xaallado isku mida ama isku dhaw iskugu amaanaan.

Waa kuwan ammaanaha aan ka shaqaynaa:
  1. waan jecelahay sidaad timaha aad jarantahay!
  2. dhoola cadayn fiican baad leedahay!
  3. kabahaagu way qurux badan yihiin!
  4. indha qurux badan baad leedhay!
  5. qof aad u wanaagsan baad tahay!
  6. kabahaaga waan jecelahay!
  7. waad qurux badan tahay!
  8. aad baad u furfuran tahay!
  9. qof la aamini karaad tahay!
  10. si fiican baad u eegtahay!
  11. wey wanaagsan tahay la joogidaadu! 
  12. xariif baad tahay!
  13. waad caqli badan tahay!
  14. waad i dhiiri galisaa!
  15. waan jecelahay markaad qoslaysid!
  16. qof wanaagsan baad tahay!
  17. waxaad tahay qof maad leh!
  18. saaxiib wanaagsan baad tahay!
  19. qof naxariis leh baad tahay!
  20. waxa aad samaysaysid waad ku fiican tahay!
  21. qof fiican/sharaf leh baad tahay!

fredag 6 november 2015

Cilmigii la caasiyay!

Cilmigu waa nuur!
Jahliguna waa mugdi!

Adduunyadan aan ku noolnahay, waxa ay horumarkan maanta la joogo, iyo kan la hiigsanayaba ay ku gaadhay cilmiga. Cilmiguna sidiisaba wuxuu ku yimaadaa ama lagu helaa laba hab: 
1- Mid horay loo helay oo aad ka baratid iyo 
2- Mid hadda gacanta lagu hayo oo la baarayo/ ikhtiraacayo.

Diinteenu aad iyo aad ayay uga hadashshay cilmiga. Ilaahay (sw) ayaa quraanka kariimka ah ku sheegay oo yidhi: miyay siman yihiin kuwa waxbartay iyo kuwa aan waxbaranin. 
Rasuulkeenii suubanaa (scw) waa tii uu  ilhaay ku yidhi: akhri magaca alle... (suuradda iqra).

Inaku (soomaalida) dhinacee baan ku jirnaa? ma kuwa cilmiga barta, mise kuwa raadiya, mise kuwa xaqira ee hoos u dhiga dadka cilmiga leh? 

Tiiyooy arrini sidaas ay tahay, oo muddo dheer aan rabay in aan wax ka qoro, sida ay dadka soomaalidu ula dhaqmaan dadka soomaalida ee cilmiga leh, gaar ahaan farsama yaqaanada sida: farsama yaqaanada birta tuma ee inoo sameeya midiyaha, faaska, gudinta, haamaha iwm. 
Kuwa kabaha, boorsooyinka, gambadhada iwm sameeya.
Rayiislaha/ tima jaraha, beeraleyda, kalluumeysatada iyo kuwa kale oo fara badanba.
Shaqooyin kani waa kuwa ugu liita xaggeena. Dadka ka shaqeeyaana aanay nolol fiicana ku  haysanin.
Balse adduunyada kale waa xirfadaha ugu qaalisan ee aan la heli karin, dadka ka shaqeeyaana ay nolol aad u heer saraysa ku nool yihiin. Tusaale: Jarmalka oo ah waddamada ugu horeeya xagga birta oo baabuurta iyo diyaaradaha sameeya kaasi waa birtume. Keena birta tumaana xataa meel fiican ma fadhiyo, waa yaab!
Talyaaniga beeraha iyo maqaar tolista, boorsooyinka iyo kabaha aad jeceshahay ayay sameeyaan. Ka walaalkaa ah ee gurigaaga hortiisa  kuugu samaynayana waad ku caayaysaa.Subxaana laah
Magacyo kala duwan oo xaqiraad/ takooris iyo hoos u dhigis ah ayaa dadkan soomaaliyeed ee sharafta leh loo kala yaqaanaa, halkan  inaan ku sheegna runtii aad iyo aad ayaan ugala xishooday.
Qadarin iyo ixtiraam ayay agtayda ka mudan yihiin.    

Waxaan haddaba akhristoow aan maalin dhawayd daawaday fiidyaw youtobe-ka ku jira oo dad cilmi leh oo soomaali ahi ay ka hadlayeen. Runtii arrimaha qaarkood aad bay ii damqeen sida dadkaas loola dhaqmi jiray. Bal ila fiiri oo maxay kula tahay. Waxa uu ku baxayaa af-ingiriisi. Inuu isagoo af soomaali ahna inuu jiraa  aad ayay u fiicnaan lahayd.