torsdag 3 december 2015

Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta soomaalida.......

Sidii aan horayba usoo qoray waxaa barri oo jimce ah, bishuna ay tahay 4 diisambar ka bilaabmaya magaalada Stockholm ee carriga Sweden gaar ahaan degmada Kista, laba maalmood oo loogu magac daray "Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed". Maalinta hore ee jimcaha ah waxa ay casharadu ku baxayaan af iswidhish ilaa iyo afarta galabnimo. lixda ilaa iyo sagaalka fiidnimana18:00-21:00 waa af soomaali. 
Maalinta labaad laga bilaabo sagaalka subaxnimo ilaa iyo siddeeda fiidnimo 09:00 - 20:00 waa af soomaali.
Casumadda , ajendaha iyo barnaamijyada oo dhana waan idiinku soo lifaaqay. Gacmo furan ku soo dhawaada. 


2015-12-01
Casuumad
Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida
4-5 Dec (Jimce iyo Sabti)
Waxa lagu casuumayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Sweden ee Stockholm iyo agagaarkeeda laba maalmood oo suugaan, buugaag, qalab-hidde  ah iyo aqoon-is-waydaarsi la soo bandhigi doono.
18.00- 20.30 Jimcaha  04 dec
       Iyo 10.00-20.00 Sabtida 05 dec”

Waxa inoo marti ah qorayaal, suugaanyahanno, aqoonyahannno iyo cilmi-baadheyaal. Waxa la soo bandhigi doonaa:
  • Taariikh
  • Agabkii hiddaha iyo dhaqanka
  • Boqollaal buug
  • Kooraasyo gaagaaban oo ku saabsan, Afsoomaaliga, tarbiyadda carruurta iyo barnaamijyada kombiyuutarka ee wax lagu qoro
  • Waxa jiri doona maaweelo carruureed oo ah 10.00-13.00 maalinta sabtida

Waxa iman doonaa:
  • Qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo qoray Guri waa Haween, Cabdalla Shafay oo ah ninka afsoomaali ka filimada qisooyinka Nebiyada iyo aqoonyahanno kale.
  • Shirkadaha Scansom publishers iyo Iftiinka aqoonta waxay soo bandhigi doonaan buugaagta ay hayaan oo boqollaal kor u dhaafaysa

  • Goobtu waa: Kista Träff
  • Saacadda Jimcaha 04 dec waa 18.00-20.30

Ka soo qaybgal wanaagsan!

  • Haddaba wixii warbixin ah kala xidhiidh xubnahan soo socda:
  • Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) : 0762490979

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar