tisdag 10 november 2015

Ammaan!

Ma ammaantaa oo ma u duceysaa dadka aad jeceshay, waalidkaa xaaskaaga, ninkaaga, carruurtaada, saaxiibadaa, qofka kula shaqeeya iyo qofkii axsaan kuu gala......iwm.

Soomaali ahaan inaga ammaantu wey inagu yartahay iyo hadalka fiicaniba. Waa inaan bilawnaa oo aan wax ka badalnaa ammaan la'aanta iyo ammaan yaridaba.
Waxaan google weydiiyey inuu ku jiro ereyga ammaan,  ma ka helay baad u malaynaysaan? bal gal oo ila raadi. 
Ammana kale haddii aad haysidna ii soo dir, adigoo raaliya.


Bas 2-ga Järfälla ku yaalaa waxa aan toddobaadkii ina dhaafay aan bilawnay mawduuca ammaanta.Toddobaadka soo socdana isla mawduucas ayaan wadi doonaa. Ardeyda dhigata qaybtani waxa ay kakala yimaadeen waddamo kala duwan. Haddaba waxaanu shaki ku jirin in ardeydani ku kala hadlaan afaf kala duwan , ayna leeyihiin ama ay xambaarsanyihiin dhaqamo kala duawan iyo diimo kala duwan. Runtii waa mid aad loogu farxo oo aadna u qiimo badan in arday  wadamo badan oo kala duwan ka kala socdaa ay hal fasal wada fadhiyaan.
Si isku mid ah mala isku ammaanaa waddamada oo dhan? jawaabtu waa maya, laakiin waxaa soo baxday oo aan ogaanay in waddamada qaarkood si iyo xaallad isku mid ah la isku ammaano. Tusaale ahaan waddamada ku yaala Afrika dadku si isku mida ayay isku amaanaan. Kuwa ka yimid waddamada carbtuna iyaguna sidoo kale ayay si isku mida iyo xaallado isku mida ama isku dhaw iskugu amaanaan.

Waa kuwan ammaanaha aan ka shaqaynaa:
  1. waan jecelahay sidaad timaha aad jarantahay!
  2. dhoola cadayn fiican baad leedahay!
  3. kabahaagu way qurux badan yihiin!
  4. indha qurux badan baad leedhay!
  5. qof aad u wanaagsan baad tahay!
  6. kabahaaga waan jecelahay!
  7. waad qurux badan tahay!
  8. aad baad u furfuran tahay!
  9. qof la aamini karaad tahay!
  10. si fiican baad u eegtahay!
  11. wey wanaagsan tahay la joogidaadu! 
  12. xariif baad tahay!
  13. waad caqli badan tahay!
  14. waad i dhiiri galisaa!
  15. waan jecelahay markaad qoslaysid!
  16. qof wanaagsan baad tahay!
  17. waxaad tahay qof maad leh!
  18. saaxiib wanaagsan baad tahay!
  19. qof naxariis leh baad tahay!
  20. waxa aad samaysaysid waad ku fiican tahay!
  21. qof fiican/sharaf leh baad tahay!

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar