Jahliguna waa mugdi!
Adduunyadan aan ku noolnahay, waxa ay horumarkan maanta la joogo, iyo kan la hiigsanayaba ay ku gaadhay cilmiga. Cilmiguna sidiisaba wuxuu ku yimaadaa ama lagu helaa laba hab:
1- Mid horay loo helay oo aad ka baratid iyo
2- Mid hadda gacanta lagu hayo oo la baarayo/ ikhtiraacayo.
Diinteenu aad iyo aad ayay uga hadashshay cilmiga. Ilaahay (sw) ayaa quraanka kariimka ah ku sheegay oo yidhi: miyay siman yihiin kuwa waxbartay iyo kuwa aan waxbaranin.
Rasuulkeenii suubanaa (scw) waa tii uu ilhaay ku yidhi: akhri magaca alle... (suuradda iqra).
Inaku (soomaalida) dhinacee baan ku jirnaa? ma kuwa cilmiga barta, mise kuwa raadiya, mise kuwa xaqira ee hoos u dhiga dadka cilmiga leh?
Tiiyooy arrini sidaas ay tahay, oo muddo dheer aan rabay in aan wax ka qoro, sida ay dadka soomaalidu ula dhaqmaan dadka soomaalida ee cilmiga leh, gaar ahaan farsama yaqaanada sida: farsama yaqaanada birta tuma ee inoo sameeya midiyaha, faaska, gudinta, haamaha iwm.
Kuwa kabaha, boorsooyinka, gambadhada iwm sameeya.
Rayiislaha/ tima jaraha, beeraleyda, kalluumeysatada iyo kuwa kale oo fara badanba.
Shaqooyin kani waa kuwa ugu liita xaggeena. Dadka ka shaqeeyaana aanay nolol fiicana ku haysanin.
Balse adduunyada kale waa xirfadaha ugu qaalisan ee aan la heli karin, dadka ka shaqeeyaana ay nolol aad u heer saraysa ku nool yihiin. Tusaale: Jarmalka oo ah waddamada ugu horeeya xagga birta oo baabuurta iyo diyaaradaha sameeya kaasi waa birtume. Keena birta tumaana xataa meel fiican ma fadhiyo, waa yaab!
Talyaaniga beeraha iyo maqaar tolista, boorsooyinka iyo kabaha aad jeceshahay ayay sameeyaan. Ka walaalkaa ah ee gurigaaga hortiisa kuugu samaynayana waad ku caayaysaa.Subxaana laah
Magacyo kala duwan oo xaqiraad/ takooris iyo hoos u dhigis ah ayaa dadkan soomaaliyeed ee sharafta leh loo kala yaqaanaa, halkan inaan ku sheegna runtii aad iyo aad ayaan ugala xishooday.
Qadarin iyo ixtiraam ayay agtayda ka mudan yihiin.
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar