tisdag 7 oktober 2014

Akhriska!


C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\AXEC5MAY\MC900233118[1].wmf

Waxaan khamiistii hore ee 2 oktoobar aan ka qayb galay shir waalid oo ku saabsanaa waxbarashada carruurta. Waxay macalimaddii tallooyin naga siisay sidii aan carruurtayada uga caawin lahayn in ay waxakhriska bartaan iyo sidii kuwa wax akhriyi yaqaanaa ay u noqon lahaayeen kuwo akhriska ku fiican.
Waxayna noo qaybisay waraaqo.
Markii aan arkay warqaddaas iyo wixii ku qornaa ayaan jeclaystay inaan idinla qaybsado qodobaddii halkaas ku qornaa waana kuwan.

Sidan ayaad uga caawin kartaa ilmahaaga xagga wax akhriska:

  • Wakhti sii iyo meel fiican oo guriga ka mida oo aad fadhiisataan qaylo iyo buuq la'aan.
  • Ku bilow inaad weydiisid inay ama inuu xasuusto waxa uu buuggu ku saabsan yahay.
  • Dhagayso ka dibna marka uu ilmahaagu akhriyayo.
  • Haddii uu yahay cutuka aad akhriyeysaani mid gaaban, ha kaaga sheekeyo/sheekayso ilmahaagu. Laakiin haddii uu buuggu leeyahay cutubyo dhaa-dheer saddex bog markuu akhriyaba/akhrisaba joogsada oo ilmahaagu ha kaaga waramo/waranto wixii uu soo akhriyey ama wixii ay soo akhrisay. Su'aalo furana ka weydii oo jawaabtoodu aanay ahayn su'aalaha haa ama maya lagu jawaabo. Tusaale ahaan Maxaa dhacay markii hore? Maxaa dhacay markii dambe? Maxaad u malaynaysaa inay dhici doonaan  hadhaw ama gadaal dambe?
  • Ereyooyinka adag ee ku jira u sharax.
  • Laaxinka (haddii uu si qalad ah u akhriyo) ha ku qabsan oo ha joojin, hadhaw markuu weedha dhameeyo sax.
  • Xasuusi ilmahaaga inuu si dagan u akhriyo oo uu meelaha joosiga ahna uu ku hakado.
  • Guubaabi oo amaan had iyo jeer.
  • Sii wad dhagaysigaaga oo dhagayso.
  • u ogolaw ilmahaag mar mar inuu kaaga sheekooyo buugga.
  • Ilmaha muhiim ayay u tahay inay haystaan dad hormood u ah oo ay ku daydaan xagga wax akhriska. Haddii ay ilmahaagu arkaan inaad qof wax akhriya aad tahay iyaguna aad ayay u xiisaynayaan inay sidaada oo kale wax u akhriyaan.