torsdag 31 mars 2016

Kulan qaaliya...


Ma tahay macallin?
Ma tahay ardey?
Ma tahay aqoonyahan?
Ma ku hadashaa af soomaali?
Ma ku nooshahay Sweden?

Waxaa marti kuu ah oo carri fog kaaga yimid aqoon yahan:
Jaamac Muuse Jaamac.

Martiqaadkaagiina waa kan ee halkan riix

Ku soo dhawoow gacmo furan!

tisdag 29 mars 2016

daalkii gu'ga


C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\538GF3G3\007-work_so-tired[1].png
Xilliga gu'ga waxaa ku badan dadka kunool qaaradda Yurub daalka, sababo badan awgood, waxaana lagu qiyaasaa dadkaasi afartii qofba mid ka mid ah ayaa dareemaya daalkaasi.
Maxaa haddaba keenaya daalkaasi? Maadaama uu daalkaasi sidaas ugu badan yahay dhulakni ayay cilmi baadhayaal badani baadheen sabbaha keeni karaya, waxa aanay yidhaahdeen sida tan: isbadalka xilliga iyo wakhtiga, taasi waxaan uga jeedaa maallinta oo dheeraanaysa, habeenkuna sii yaraanaayo. wakhtiga oo la badalay, saacad ayaa lagu daray habeen nimadii axaddii 27 maarso 2016. 02:00 ayaa noqotay 03:00. waxa ay leeyihiin cullimadaasi wali jidhkeenii ayaan la qabsan oo aan fahmin wakhtigan cusub.

Maxaa lagu gartaa?

  1.  daal iyo awood darro.
  2. caajis iyo isxilqaamid la'aan 
  3. niyad jab
  4. culayskaaga oo kor u kaca.
  5. taxaluujis la'aan
  6. welwel iyo welbahaar 
  7. hammuumyo aad u hammuumeysid kaarboonhaydarayd gaar ahaan sonkorta.

Sidee looga hortagi karaa  ama maxaa lagu daaweyn karaa daalkan?
  1. In aad cuntid cuntooyinka ay ku badan yihiin Vitamin B ga. 
  2. In aad cuntid cuntooyinka ay ku badan yihiin vitamin D ga.
  3. In aad hurdo badan seexatid.
  4. In aad hore  u kacdid.
  5. In aad nasatid.
  6. In aad lugaysid subixii.
  7. In aad saaxiibadaa aad la socotid.
  8. In aad Naftaada u naxariisatid.
  9. In aad tababaratid.
  10. In aad gool leedahay.
Cuntooyinka laga helo Vitamin B ga waxaa ka mid ah:

baastada iyo rootiga madaw misirka ukun
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\538GF3G3\250px-Tagliolini1[1].jpg      C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\Q06Q5PW5\200px-Rugbrød[1].jpg    C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\538GF3G3\linser_rode_250-766220-711082[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\Q06Q5PW5\09_41_17_web[1].jpg

laws khudaar khudaar qalalan
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\538GF3G3\study-nuts-help-cholesterol-levels[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\U27GKH39\Misc_fruit[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\Q06Q5PW5\Dry_fruit[1].jpg


Cuntooyinka laga helo Vitamin D ga waxaa ka mid ah:

Vitamin D

Qorrax konfilakas caano
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\Q06Q5PW5\sol_1711[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\G17MZ877\Plätzchen12[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\G17MZ877\Milk_-_olly_claxton[1].jpg
Digir jiis subag
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\Q06Q5PW5\webb_bonor[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\U27GKH39\Maasdam-cheese[1].jpg C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\G17MZ877\350px-Butterplate[1].jpg
kalluun
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\G17MZ877\250px-Solea_solea_1[1].jpg

torsdag 18 februari 2016

Dhakhtarkii xoolaha ee digniinta la siiyey

En undulat gick en för tidig död till mötes, enligt ansvarig myndighet på grund av den höga medicindos han fick. Arkivbild.

Arkivbild.Lennart Nygren/TT

Maalintii khamiistii ee la soo dhaafay waxaan ka akhristay jariiradda la yidhaahdo Metro ee kasoo baxda Stockholm ee carriga Iswiidhen, arin aan  aad iyo aad uga helay ama iiga cajabisay. Waa kan hoos ku xusan isagoo aan turjumay ee bal ila arag.

Digniin la siiyey dhakhtarka xoolaha kadib markii ay shimbirtu dhimatay

Baqbaqaa da' yar ayey dhimasho soo wajahday ka dib markii la' siiyay daawo intii loogu talagalay ka badan, warkan ayaa laga soo xigtay hayadda ka masuulka ah xanaanada xoolah.

Baqbaqaagii Elvis la odhan jiray ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu u dhintay daawo saa'id ah oo la siiyay darteed. Waxaa haddaba digniin la siiyay dhakhtarkii xoolaha ee daaweynayey baqbaqaagaasi. Digniintaasi Waxaa siisay hayadda caafimaadka iyo daryeelka xayawaanka. Warkan waxaa soo gudbiyay Värnamo Nyheter. 
Elvis waxa uu la liitay cuncun ba'an. Waxa uu madaxa ku xoqayay tiir ku yaalay shabaqii uu galayay. Taasi oo keentay in uu is xoodhiyay halkaas salaanta ee wajiga. Markii la geeyay dhakhtarka xayaawaanka ee gobolka Jönköping ayaa waxaa sugnaatay in injiri gashay shimbirkaasi.
Daawo ayaa lagu muday, laakiin maalintii dambe ayaa waxaa laga war helay in shimbirkaasi uu aad u ildaranyahay oo ay xaaladiisii kasii xumaatayba. Markaasaa dhakhtarkii xoolaha ee maalintaas ka shaqaynayay dhakhtarkaasi uu shimbirku yaalay go'aan ku gaadhay in looga raaxeeyo.
Guddiga mas'uulka ayaa soo saaray in shimbirkaasi la siiyay daawo laba iyo toban jeer  ka cuslayd intii loogu tala galay.
Waliba  waxa uu muran ka taagan yahay cudurkii lagu sheegay ee ahaa inay injiri gashay shimbirka. In ay injiri gasho baqbaqaaga waa mid aan marnaba caadi ahyn.

Ma rabtaa inaad maqaalkan ku akhrisatid af iswiidhishka?
halkan guji..