tisdag 7 oktober 2014

Akhriska!


C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\AXEC5MAY\MC900233118[1].wmf

Waxaan khamiistii hore ee 2 oktoobar aan ka qayb galay shir waalid oo ku saabsanaa waxbarashada carruurta. Waxay macalimaddii tallooyin naga siisay sidii aan carruurtayada uga caawin lahayn in ay waxakhriska bartaan iyo sidii kuwa wax akhriyi yaqaanaa ay u noqon lahaayeen kuwo akhriska ku fiican.
Waxayna noo qaybisay waraaqo.
Markii aan arkay warqaddaas iyo wixii ku qornaa ayaan jeclaystay inaan idinla qaybsado qodobaddii halkaas ku qornaa waana kuwan.

Sidan ayaad uga caawin kartaa ilmahaaga xagga wax akhriska:

  • Wakhti sii iyo meel fiican oo guriga ka mida oo aad fadhiisataan qaylo iyo buuq la'aan.
  • Ku bilow inaad weydiisid inay ama inuu xasuusto waxa uu buuggu ku saabsan yahay.
  • Dhagayso ka dibna marka uu ilmahaagu akhriyayo.
  • Haddii uu yahay cutuka aad akhriyeysaani mid gaaban, ha kaaga sheekeyo/sheekayso ilmahaagu. Laakiin haddii uu buuggu leeyahay cutubyo dhaa-dheer saddex bog markuu akhriyaba/akhrisaba joogsada oo ilmahaagu ha kaaga waramo/waranto wixii uu soo akhriyey ama wixii ay soo akhrisay. Su'aalo furana ka weydii oo jawaabtoodu aanay ahayn su'aalaha haa ama maya lagu jawaabo. Tusaale ahaan Maxaa dhacay markii hore? Maxaa dhacay markii dambe? Maxaad u malaynaysaa inay dhici doonaan  hadhaw ama gadaal dambe?
  • Ereyooyinka adag ee ku jira u sharax.
  • Laaxinka (haddii uu si qalad ah u akhriyo) ha ku qabsan oo ha joojin, hadhaw markuu weedha dhameeyo sax.
  • Xasuusi ilmahaaga inuu si dagan u akhriyo oo uu meelaha joosiga ahna uu ku hakado.
  • Guubaabi oo amaan had iyo jeer.
  • Sii wad dhagaysigaaga oo dhagayso.
  • u ogolaw ilmahaag mar mar inuu kaaga sheekooyo buugga.
  • Ilmaha muhiim ayay u tahay inay haystaan dad hormood u ah oo ay ku daydaan xagga wax akhriska. Haddii ay ilmahaagu arkaan inaad qof wax akhriya aad tahay iyaguna aad ayay u xiisaynayaan inay sidaada oo kale wax u akhriyaan.

onsdag 17 september 2014

Shirka barayaasha afka hooyo

Shirka barayaasha afka hooyo

Skolverket inbjuder modersmålslärare till en konferens som kommer att äga rum den 27-28 oktober i Stockholm. Den första dagen (27/10) är gemensam för alla och den andra dagen (28/10) deltar man i sin respektive språkgrupp.
Wasaaradda waxbarashadu waxay ku martiqaadaysaa barayaasha afka hooyo kulankii barayaasha e sannadlaha ahaa, kaas oo ka dhici doona magaalada Stockholm 27-28 ka bisha oktoobar. maalinta koowaad waxa qabanaysa oo mas`uul ka ah wasaaradda waxbarashada, ta labaadna gaar bay u tahay luqadaha kala duwan. Barnaamijka maalinka koowaad waa diyaar. maalinta labaadna gacanta ayaa lagu hayaa. Shirka waxa lagu qabanayaa badhtamaha magaalada Stockholm.
Waxa loogu tala galay : Barayaasha afka hooyo iyo kuwa xannaanadaba.
Waqtiga: 27 -28 oktoobar 2014.
Goobta: Clarion Hotel Sign, Östra Järnvägsgata 35, Stockholm
Kharashka: Shirku waa lacag la`aan, laakiin haddaad isdiiwaangeliso kama noqon kartid. Degmada aad ka imanaysaa ama dugsiga aad ka shaqeyso ayaa bixinaya hurdada iyo kharashka gaadiidka aad ku imanayso.
Is-diiwaangelinta: Maalinta ugu dambeysaa waa 1-da bisha oktoobar. Fadlan isdiiwaan geli ka hor. iska
diiwaangeli halkan..

torsdag 21 augusti 2014

Soo noqosho wanaagsan!

Fasaxa xagaagga!

Xagaagii wacnaa, kululaa, iftiinka iyo qoraxdaba badnaa wuu sii dhamaanayaa.
Arday badani uskuuladoodii ayey bilaabeen toddobaadkani, kuwa kalan usbuuca dambe ayey bilaabayaan haddii ilaahay yidhaahdo.


Waxaan idiin rajeynayaa inaad wakhti fiican aad soo qaadateen xiligii aad ku jirteen fasixii xagaaga, oo aad hadda diyaar u tihiin sanad dugsiyeedka cusub ee 2014/2015.

tisdag 6 maj 2014

Ku hiro hoyga cilmiga!

Ma'ogthay akhristoow!

In wadooyinka la maro kuwa ugu mashquulka badan magaalada Stockholm ee carriga Sweden ay kamid tahay wadada u dhaxaysa maxadada tareenka lagaga dago iyo jaamacadda Stockholm (Stockholm university). Dadkaa halkaasi qulqulayaa waxay u wada socdaan oo ay raadinayaani waa cilmi, ee maxaa adiga kaa reebay? ka mid noqo oo ka faa'ideyso waqtigaaga. Arinkani wuxuu gaar ahaan quseeyaa dadka ku nool carrigani Sweden maadaama oo ay waxbarashadu bilaash tahay. Laakiin meeshaad rabtid joog, meel kasta waa laga helaa cilmiye, cilmiga raadso.
Tallo waxaan kugu siinayaa akhristoow in aad aadid ama aad tagtid jaamacaddaha oo aad soo daawatid/booqatid si aad u heshid ididiilo iyo niyad. Sidaasi waa sidaan sameeyay markii inaan waxbarto ay iga soo go'day.
Markaan arkay dad boqolaal/kumaankum ah oo socda qaarna ay fadhiyaan maktabada buuggaagta oo iyagu akhris ku jira iyo kuwo casharo dhageysanaya, ayaa waxaan isweydiiyey waayo aanad adigu halkan aanad u fadhiyin? halkaas ayaan  go'aan ku gaadhay ilaahayna wuu ii sakhiray, alxamdu lillaah.  

Ku hiro hoyga cilmiga!!!!

Maxammed.

fredag 28 mars 2014

Koorsooyin af soomaali ah!

Koorsooyin af soomaali ah oo loogu talagalay macalimiinta soomaalida


Hadda ayaad jaanis haysataa ee ka faa'ideyso. Jaamacadda Göteborg waxay kuu diyaarisey koorasyo af soomaali ah oo bilaabmaya xiliga deyrta ee sanadkan.
Wixii faahfaahin ah ka akhriso isku xidhahan:
wixii macluumaad dheeraad ahna kala xidhiidh maamulka jaamacadda qaybta luqadaha.

Kusoo dhawoow bogageyga kale:

http://ssh13.blogspot.se/ 
 http://codkamacalinka.blogspot.se/

torsdag 6 mars 2014

Carruurtu waa waxa ugu qaalisan!

Caruurtu waa hadyada ugu qaalisan ee ilaahay baniaadenka siiyo. Xanaaneeye, kobciya oo cilmiga ugu sareeya ee aad bari kartaana bara.
Cilmigu waa awood.
Cilmigu waa wax aan kaa dhamaaneyn sida lacagta ilaa aad ka dhimatid mooyaane.
Cilmigu waa cilmi meeshuu doona ha joogee. 
Cilmigu waa taajirnimo.
Cilmigu waa guri dadka aduunyada ku nool oo dhami ay wada gali karaan oo aan waligii buuxsameyn. Qol ka mid ah qolalkaas gurigaasi waa kaag ha dayicin oo yaanu banaanaan waligiisba.
Inaan carruurta hadda wax ka qoro waxaa igu dhalisay anigoo hadda daawanaya war ayaa waxaa ku jiray warkaas: shirkad weyn oo Yurub laga leeyahay ayaa waxay ku shaqaysataaa carruur baakistaan ah. Aad ayaan uga xumaaday runtii arintaas. Waxay ku shaqeeyaan lacag ka yar hal doolar maalintii.
Carruurtu waa: macalinkii, dhakhtarkii iyo madaxdii barito...........

Marabtaa inaad af iswidhish aad baratid?

Gal boggan oo ka faa'iideyso. Wixii fikradaada ahna igu soo kordhi. mahadsanidin.


http://ssh13.blogspot.se/

Farsamada gacantu waa qaali!

Farsamada gacanta waa shay aad iyo aad u qaaliya waana cilmi sare oo ah kan xataa dayaxa lagu gaadhay. Dayax gacmeed, diyaarado, baabuur, baaskiilo, qalabka guryaha, xafiiyada iyo wixii la hal maalaba waxaa lagu gaadhay farsamo gacan. Laakiin waxaa la yaab leh oo aan mudo aad u dheer aan ka fikirayay oo aan rabay in aan wax ka qor arinkan, hadaba akhristoow ma ogtahay in dadka soomaaliyeed ee ka shaqeeya xirfadahan in lagu yaso /xaqiro shaqooyikooda.
Arinkan sidee wax looga badali karaa? ma fududa, laakiin ma laga yaabaa in maalin maalmaha ka mid ah wadamada soomlida laga soo saaro qalab casri ah oo aduunka oo dhan looga baahan yahay.? inshaa allaah  

Cilmigu waa muhiim!

Cinwaankan waxaan u bixiyey bogeygan cusub. Sababtuna waxay tahay, aniga oo ka mid ah dadka soomaaliyeed ee waxbarashada aad u xiiseeya.
Cilmigu waa waxa maanta aduunyadu isku dhaaftay. Waana waxa lagu hor maro, ee hurumarka keena, bulshada koriya, caqliga koriya iwm. Muhiimada cilmigu inoo leeyahay diinteena ayaa aad uga hadashay. Afkaad doontid wax ku baro cilmi waa cilmi meesha uu doono ha yaalee.
Dad badan ayaa ku qalda arinkani luqada, oo mooda qofkii tusaale ahaan ku hadla af ingiriisi inuu ka cilmi badan yahay qof ku hadla af soomaaliga inkasta oo ay sitaan shahaada isku mid ah. Arinkuna sidaas maaha.