Sidii aan horayba usoo qoray waxaa barri oo jimce ah, bishuna ay tahay 4 diisambar ka bilaabmaya magaalada Stockholm ee carriga Sweden gaar ahaan degmada Kista, laba maalmood oo loogu magac daray "Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed". Maalinta hore ee jimcaha ah waxa ay casharadu ku baxayaan af iswidhish ilaa iyo afarta galabnimo. lixda ilaa iyo sagaalka fiidnimana18:00-21:00 waa af soomaali.
Maalinta labaad laga bilaabo sagaalka subaxnimo ilaa iyo siddeeda fiidnimo 09:00 - 20:00 waa af soomaali.
Casumadda , ajendaha iyo barnaamijyada oo dhana waan idiinku soo lifaaqay. Gacmo furan ku soo dhawaada.
2015-12-01
Casuumad
Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida
4-5 Dec (Jimce iyo Sabti)
Waxa lagu casuumayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Sweden ee Stockholm iyo agagaarkeeda laba maalmood oo suugaan, buugaag, qalab-hidde ah iyo aqoon-is-waydaarsi la soo bandhigi doono.
” 18.00- 20.30 Jimcaha 04 dec
Iyo 10.00-20.00 Sabtida 05 dec”
Waxa inoo marti ah qorayaal, suugaanyahanno, aqoonyahannno iyo cilmi-baadheyaal. Waxa la soo bandhigi doonaa:
Taariikh
Agabkii hiddaha iyo dhaqanka
Boqollaal buug
Kooraasyo gaagaaban oo ku saabsan, Afsoomaaliga, tarbiyadda carruurta iyo barnaamijyada kombiyuutarka ee wax lagu qoro
Waxa jiri doona maaweelo carruureed oo ah 10.00-13.00 maalinta sabtida
Waxa iman doonaa:
Qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo qoray Guri waa Haween, Cabdalla Shafay oo ah ninka afsoomaali ka filimada qisooyinka Nebiyada iyo aqoonyahanno kale.
Shirkadaha Scansom publishers iyo Iftiinka aqoonta waxay soo bandhigi doonaan buugaagta ay hayaan oo boqollaal kor u dhaafaysa
Ka soo qaybgal wanaagsan!